Ciraaq: Weerar lagu qaaday Fallujah

Image caption Maleeshiyada qabsatay Fallujah.

Dadka degan magaalada Fallujah ee galbeedka Al- Anbar, ayaa BBC u sheegay in dad badan ay u qaxayaan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhow, iyagoo ka cararaya weerar cirka iyo dhulka ah oo ay soo qaadeen ciidamada.

Weerarka ayaa yimid kadib markii kooxo mucaarad ah iyo mintidiin Alqacida ay qabsadeen magaalada.

Taliyaha milatariga gobolka ayaa warbaahinta u sheegay, inay qaadan doonto maalmo in laga saaro mintidiinta labada magaalo ee Fallujah iyo Ramadi.