Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka Puntland: Siyaasada waan ka maqanahay

Image caption Ardo Saciid waxay ka mid tahay urur u dooda xaquuqda dumarka.

Baarlamaanka cusub ee maamulka Puntland waxaa ku jira labo dumar ah oo kaliya. Waxaana arrinkan ka cabanaya ururada xuquuqda haweenka u dooda.

Ardo Saciid waxay ka mid tahay ururka xuquuqda dumarka ee Talo-wadaag, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayayna uga warantay waxa ay ka cabanayaan.