Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aqoonsiga dowladda hoose

Waaxda dowladda hoose ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay in dadweynaha ay u sameeyaan warqadda aqoonsiga (ID), taas oo qasab lagaga dhigay muwaadiniinta dhoofaya, ardeyda qaadanaya shahaadooyinka, iyo kuwa doonaya in ay sameystaan baasaboor.

Laakiin goobta laga bixiyo waa hal meel oo kaliya, taas oo ay feyl ugu jiraan dadweynaha maalmo badan. Waxaa kaloo dadka qaadanaya warqadda aqoonsiga qasab lagaga dhigay in uu soo maro laanta dambi baarista (CID) oo uu kala yimaado warqad muujineyso in aanu aheyn dambiile.

Wariyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimo, oo tagay xarunta bixinta warqadaha aqoosiga oo ku daal degmada Shangaani, ayaa waxaa uu kula kulmay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nur, waxana uu ugu horeyn uu weydiiyay howsha cusub ee ay dhawaanta bilaabeen.