Al Maliki: Al-Qaacida iska fogeeya

Falluja

Ra'iisalwasaaraha Ciraaq, Nuuri Al Maliki, ayaa ku booriyay dadka Fallujah inay eryaan dagaallamayaasha Al- Qaacida ee "la wareegay" magaaladaas.

Maliki ayaa sheegay in haddii ay dadku wax ka qaban waayaan "argegaxisada" ay dowladdisu qaadi doonto tallaabo militeri oo ay dib ugu qabsanayso magaalada.

Boqolaal ruux ayaa horay uga qaxay magaalada Fallujah kadib duqayn ay ciidamada dowladda Ciraaq ka gaysteen halkaas.

Ra'iisalwasaare Maliki ayaa ugu baaqay dadka reer Fallujah iyo qabaa'iladooda inay magaalada ka bixiyaan, waxa uu ugu yeeray argagaxisada, si uusan dhulkooda uga dhicin wax iska hor imaad ah.

Dhinaca kale ninkii horey dhanka ammaanka kala talin jiray dowladda Ciraaq, Mowafaq Al Rabiici ayaa u sheegay BBC-da inay suura gal ahayd in laga difaaco Ciraaq oo dhan weerarrada Islaamiyiinta Al-Qaacida xiriirka la leh.

Al Rubiici ayaa intaasi ku daray in kooxaha mintidiintu ay leeyihiin tababar sarreeyo.

Image caption Magaalada Falluja waxaa qabsaday dablay Sunni ah

Waxuu sheegay in kooxahani ay ku dhaqmaan qeybo ka mid ah diinta iyagoo iska indha tiro qeybaha kale.

Waxaa uu sheegay in dantoodu ay tahay inay si cadowtinimo ah ula dhaqmaan dadka ka soo horjeeda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan