Askari toogasho lagu dilay Muqdisho

Muqdisho toogasho

Maxkamad militeri oo ku taalla Muqdisho ayaa dil toogasho ah ku fulisay askari loo haystay inuu arday dilay sanadkii tegay.

Askerigan ayaa lagu dilay toogasho ay fuliyeen koox hubaysnayd.

Waxaa lagu toogtay garoon ku yaalla Degmada Xamarjajab ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegay in carruur ay da'doodu ka yar tahay shan sano jir ay ka mid ahaayeen dadkii u daawasho tegay toogashada ninkaas.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhowr jeer oo hore cambaareeyay maxkamadda militeriga Soomaaliya, iyagoo sheegay in dadka dacwadda lagu soo ooga aan la siin fursad ay isku difaacaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan