Ciraaq oo la siinayo taagero militeri

Dablay Sunniyiin ah

Qabaa'ilka ku sugan magaalada Falluja ee ay la wareegeen dablay Sunni ah ayaa loogu baaqey inay gacan ka gaystaan dagaalka lagula jiro dowladda.

Hogaamiye ka tirsan ciidammo dowladda ka soo horjeeda oo ka dagaallamaya Falluujah ayaa sheegay in ay ciqaabi doonaan ciddii taageero u fidiso dowladda Ciraaq.

Golaha Militeriga ee Falluujah, ayaa sheegay in ay fashilin doonaan "qorshaha qaabka daran ee ay waddo dowladda Ra'iisalwasaare Nuri Al Maliki".

Dowlada Ra'iisalwasaare Al Maliki ayaa lagu eedeynayaa inay si xun ula dhaqanto Sunniyiinta dalka Ciraaq.

Warkan ayaa imaanayo iyadoo dowladda Maraykanka ay sheegtay in ay dedejinayso qalab militeri oo ay siinayso Ciraaq.

Image caption Dablay Sunni ah ayaa la wareegay Falluja

Qalabkan ayaa la filayaa in dowladda Ciraaq uu ka caawiyo la dagaalanka dablayda Sunniyiinta.

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay inay dagaal kula jiro kooxo xiriir la leh ururka Al-Qaacida.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan