Gabadha boqorka Spian oo la eedeeyay

Boqorka Spian
Image caption Gabadha ugu yar boqorka Spain ayaa la soo eedeeyay

Gabadha uu dhalay Boqorka dalka Spain ee Boqor Juan Carlos ayaa la amray in baaritaan la xariira wax is daba marin lagu sameeyo.

Garsoore ayaa amar ku bixiyay in Infanta Cristin, oo ah gabadha ugu yar boqorka Spain ay maxkamada hor timaado kadib markii lagu eedeeyay wax isdaba marin.

Infanta Cristina oo 48 sano jir ah ayaa lala xiriiriyay arrimo ganacsi oo ay la wadaagtay ninkeeda Inaki Urdangarin oo isaguna uu ku socday baaritaan la xiriiro lacag is daba marin.

Cristina ayaa loogu yeeray inay maxkamadda hor tagto 8-da bisha seddexaad ee March.

Waxaa la rumaysan yahay inay tahay markii ugu horreysay ee si toos ah gabadha Boqorka loogu eedeeyo inay dambi gashay.

Baaritaanka ninkeeda ayaa socday muddo sanad ah.

Waxaa looga shakisnaa inuu si xun u adeegsaday malaayiin doolar oo looga talagalay howlo gargaar.

Waxaa uu beeniyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay