Maxkamadda Mursi oo dib loo dhigay

  • 8 Jannaayo 2014
Mursi

Maxkamadda madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Masar ayaa dib loo dhigay.

Waxaa la dhagaysan doonaa 1-da bisha labaad ee February.

Xaakinka maxkamadda ayaa sheegay inay suuragal noqon wayday in Mursi la keeno maxkamadda hawad oo xun awgeed.

Balse mas'uul sare oo ka tirsan xisbiga Mursi oo maxkamadda la keenay ayaa sheegay in Mursi uu diiday inuu ka qeyb qaato maxkamadda.

Mursi iyo 14 mas'uul oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa loo haystaa inay sabab u ahaayeen dil loo gaystay dad ka hor muddaaharaadayay dibedda aqalka madaxtooyada xilligii uu talada hayay.

Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Mursi kaddib dibedbaxyo looga soo horjeeday xukunkiisa.

Tan iyo xilligaas, taageerayaasha Mursi ayaa dhigayay dibedbaxyo ay uga soo horjeedaan dowladda uu militerigu taageera ee Masar.

Jumcihii la soo dhaafay 11 ruux ayaa ku dhimatay dibedbaxyo ay dhigeen dibedbaxayaal taageersan Mursi iyo ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Waxaa jiro dacwado kale oo uu wajahayo Mursi.

Waxaa ka mid ah inuu qorshe shirqool ah la galay kooxo argegixiso ah.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay Mursi ay yihiin wax lagu qoslo.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa sheegayo in Mursi la marin doono maxkamad caddaalad ah, balse qareennada difaacayo Mursi ayaa sheegay in loo diiday inay la kulmaan Mursi.

Image caption Mursi ayaa markii ugu horreysay maxkamad la soo taagay bishii November 2013

Mursi ayaa maxkamad la hor keenay bishii 11-aad ee November ee sanadkii tegay, iyadoo halkaas uu qalalaase ka dhacay.

Maxkamadda ayuu ka sheegay inuu weli yahay madaxweynaha dalka.

Waxaa kale oo uu Mursi diiday inuu xirto lebiska maxaabiista.

Taageerayaasha Mursi ayaa sheegay in isaga iyo ururka Ikhwaanul Muslimiinka la bartilmaameedsanayo.