Madaxweynaha Puntland: Cabdiweli

Puntland Elections

Ra'iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, ayaa noqday madaxweynaha cusub ee Puntland.

Madaxweyne Cabdiraxman Sheekh Maxamad Faroole ayaa doonayay in dib loo soo doorto mar kale.

Waxaa tartan culus la galay oo jagada ka qaaday Cabdiweli Maxamad Gaas.

Kaddib saddex wareeg oo doorasho ah, ayaa Cabdiweli waxaa uu helay 33 cod, halka uu Faroole helay 32 cod.

Xubnaha baarlamaanka Puntland oo 66 xubnood ah ayaa doortay madaxweynaha.

Waxaa la adkeeyay ammaanka Garowe, maagalo madaxda Puntland, ka hor doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Saadiq Garaad Abshir ayaa sheegay in dhammaan musharrixiinta ay saxiixi doonaan ballaan qaad ah inay aqbali doonaan natiijada haddii laga guulaysto.

Tan iyo markii la aasaasay Puntland 1998, waxaa ka jiray xasilooni marka la barbardhigo gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Balse Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa ka digaysa in doorashadan Puntland ay dadka degaanka u kala qeybin karto qaab qabiil.

Doorashadan ayaa la filayay in la qabto bishii 7-aad ee July, balse dib ayaa loo dhigay, iyadoo mas'uuliyiinta ay xilligaas sheegeen in gobolka uu qalalaase halis ugu jiray.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan