Ruushka oo is hortaagay UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowladda Ruushka ayaa is hortaagtay bayaan Golaha Amaanku uu ku cambaarayn lahaa weerarrada cirka ah ee dowladda Suuriya ay ku qaadday magalaada Xalab.

Weerarrada loo adeegsadano bamaanooyin iyo gantaallo ka ah ee ciidamada madaxwayne Asad ayaa waxaa lagu dilay boqolaal ruux.

Diblumaasi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ruushka ay isbaddal ku samaysay bayaanka Qaramada Midoobay ee ay hindistay Britain kaasi oo ay ka saartay waxyaabihii ka dhacay magaalada Xalab.

Ruushka oo saaxiib dhow la ah Suuriya, ayaa bishii hore is hor istaagtay bayaan kan la mid ahaa oo ay Maraykanka soo hor dhigtay Golaha Amaanka.

Shiinaha oo ku biiray Ruushka, ayaa sidoo kale codka diidmada qayaxan ee Veto-ga ku diiday sadex qaraar oo uu Golaha Amaanku ku doonayay inuu ku dhaleeceeyo Suuriya.

Qaraarkii ugu danbeeyay ayay ahayd in Goluhu kaga hadlo dhibaatooyinkii ka dhashay duqaynta cirka ah ee ay maalin walba dowladda Suuriya ka gaysato magaalada Xalab.

Dublumaansiyiin Qaramada Midobay ka tirsan ayay ka soo xigatay wakaalada wararka ee AP in Ruushku uu badalay bayaanka ka hadlayay magalaada Xalab.

In ka badan 100,000 oo ruux ayaa lagu dilay dagaallada saddexda sano ka socda dalka Suuriya iyadoo malaayiin ruuxna lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan.