Ciidamada S Sudan oo ku socda Bentiu

South Sudan
Image caption Ciidamada dowladda ayaa ku sii socda magaalo madaxda gobolka saliidda qaniga ku ah ee Unity.

Kumaanan ruux ayaa ka qaxaya magaalda gacanta ugu jirto fallaagada South Sudan ee Bentiu iyadoo laga cabsi qabo inay qabsadaan ciidamada dowladda.

Dadka intooda badan waxay galayaan xerada Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada.

Weriya ka tirsan BBC-da oo jooga magaaladaas ayaa sheegay in fallaagada ay ka gurteen safka hore ee dagaalka.

Ciidamada dowladda ayaa isu diyaarinayo inay gudaha u galaan magaalada.

Weriyuhu waxaa uu sheegayaa in fallaagadu ay u muqdaan inay burburinayaan hubka culus ee aanay qaadan karin.

Magaalada waxay gacanta ugu jirtaa xoogaga fallaagda ee uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar.

Image caption Ku dhawaad 200,000 oo ruux ayaa ku barakacay dagaalka South Sudan

Machar ayaa loollan dhanka awoodda ah kula jiro madaxweyne Salva Kiir Mayardit.

Wadahadal ayaa labada dhinac uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhedhexaadiyayaasha wadahadallada ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Addis Ababa, kaddib booqasho ay ku tageen magaalada Juba, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweyne Salva kiir.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay isku mari la'yihiin qodobka maxaabiista siyaasadeed ee taageersan Machar oo ku xiran magaalada Juba.

Waxaa kale oo la filayaa in laga hadlo qodobka xabadjoojinta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan