Nin ka mid ahaa "Ilaalada Bin Ladin" oo la sii daynayo

Guantanamo

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay sii dayn doonto nin u dhashay dalka Yemen oo 10 sano ku xirnaa xabsiga Guantanamo.

Maxamuud Mujaahid, oo 33 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dagaallamayaasha Al- Qaacida.

Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa ilaaladii gaarka ahayd ee hoggaamiyihii Al-Qaacida, Usama Bin Laden.

Maxamuud ayaa xirnaa tan iyo sanadkii 2002-dii.

Wax dacwad ah laguma soo oogin muddada uu xabsiga ku jiray.

Maxamuud ayaa noqonaya ninkii ugu horrreeyay ee hortaga guddi uu dhisay madaxweyne Obama oo dib u eegid ku samaynayo xabsiga Guantanamo.

Guddiga ayaa ka baaran degi doona mustaqbalka xabsigaas.

Guantanamo waxaa ku jiro maxaabiis gaaraysa 155 ruux.

Waxaa la sheegay in ninkani uu ka mid ahaa tiro maxaabiis ah oo loo arkayay in sii dayntooda ay halis tahay, balse aan loo hayn caddaymo ku filan si dacwad loogu soo ooga.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa u sheegay warbaahinta in uusan jirin wax go'aan ah oo weli laga gaaray xilliga la sii dayn doono Maxamuud.

Qareenka Maxamuud, David Remes, ayaa u sheegay wakalaalada wararka ee AP in go'aankani uu soo daahay.