Israeliyiinta oo booqanaya maydka Sharon

Image caption Korfinta lagu wado maydka Ariel Sharon.

Kumanaan qof ayaa bilaabay inay ag maraan korfintii Ra'iisal wasaarihii hore ee Israel, Ariel Sharon, oo maydkiisa la dhigay baarlamaanka Israel hortiisa.

Korfinta waxaa qaaday milatariga iyagoo dhigay dhismaha hortiisa.

Mr Sharon, ayaa dhintay Sabtidii, isagoo siddeed sanno miyir beelsanaa. Siyaasiyiinta ayaa qaban doona xus bari, intaan Ariel Sharon lagu aasin koonfurta Israel.

Madax ka socota caalamka ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan aaskiisa, oo ay ka mid yihiin, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Joe Biden, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Segei Lavrov.