Waddooyinka Bangkok oo la xirayo

Thailand

Mucaaradka Thailand ayaa sheegay inay xirayaan waddooyinka caasimadda dalkaas ee Bangkok.

Waxay doonayaan in dowladda ay ku qasbaan inay is casisho.

Waxaa magaalada Bangkok ka socda dibedbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeda dowladda.

Dibedbaxayaashu waxay ka soo horjeedaan doorashada ay dowladda ku dhawaaqday horaanta bisha February ee soo socota.

Waxay doonayaan inay dowladda ridaan ka hor xilliga doorashada.

Dowladda ayaa iyaduna amartay in ciidamo gaaraya 18,000 oo askari oo kuwa amaanka ah loo daadgureeyo goobaha muhiimka ah ee magaalada si ay amaanka u sugaan.

Wararka laga helayo magaalada Bangkok ayaa sheegaya in ku dhawaad 150 Iskuul la xiray, iyadoo dibedbaxayaashu ay sheegeen inay sii joogi doonaan xarumaha muhiimka ah ee magalaada maalmaha soo socda.