Dhaqangelinta heshiiska Iran 20 January

Iraan

Dhaqangelinta heshiiska ay gaareen Iran iyo quwadaha adduunka ee la xiriira barnaamijka Nukiliyarka ee Iran ayaa billabanaysa 20-ka bishan koobaad ee January.

Iran iyo waddamada awooda leh ayaa horey u gaaray heshiis ah sidii loo joojin lahaa bacriminta Nukiliyarka Iraan.

Dhinacyada ayaa haatan isku afgartay in Iran ay joojiso kobcinta macdanta Yuraaniymta, waxayna taasi ku baddelanaysaa in laga dabciyo cunaqabataynta saaran.

Waxa la sheegayaa in heshiiskan uu waddada u xaari doono in dhinacyada ay heshiis buuxa gaaraan lixda bilood ee soo socota.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay arrintan, basle waxaa uu sheegay in shaqo dheeri ah loo baahan yahay si loo gaaro heshiis joogta ah.

Waddamada reer galbeedka ayaa Iran ku eedeeyo inay samaysanayso hubka Nukiliyarka, balse Iran waxay ku doodaysaa in barnaamijkeeda Nukiliyarka uu yahay mid nabdgelyo ku dhisan oo loogu talagalay in lagu dhaliyo korontda.

Image caption Xarunta Nukiliyarka ee Aaraak

Xoghayaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Yurub, Catherine Ashton, ayaa sheegtay in quwadaha dunida ay hay'adda Atomikada ee Caalamiga ka codsan doonaan inay ka baarandegto fulinta heshiiskan lala gaaray Iran.

Baarayaal caalami ah ayaa loo oggolaan doonaa inay baaraan xarumaha Nukiliyarka ee Iran.

Maraykanka ayaa sheegay in cunaqabatayn dheeri ah ay ku soo rogi doonaan Iran haddi ay fulin waydo heshiiskan ay la gaaratay quwadahana dunida.

Waddamada Maraykanka, Britain, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa heshiiska la saxiixday Iran.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan