Daanyeer laga mamnuucay Mooska

Daanyeerka

Xaero xayawaanka lagu dawdo oo ku taalla Britain ayaa daanyeerka ka mamnuucday in la siiyo Mooska.

Maammulayaasha xeradan ayaa sheegay in Moosku halis ku yahay caafimaadka daanyeerka.

Amy Plowman, oo ka mid ah maammulayaasha xerada Paignton Zoo ee lagu dawda xayawaanka ayaa sheegay in Mooska dadka loogu talagalay calool xanuun u keeni karo daanyeerka.

Waxay sheegtay in daanyeerta xeradan laga joojin doono Mooska.

Mooska ayay sheegayaan in Sokortu ku badan tahay, taas oo dhibaato u keeni karto daanyeerka.

Dadka booqda xeryaha xayawaannada laga dawdo ayaa Mooska ku soo jiita daanyeerka marka ay doonayaan inay dawdaan.

Balse maammulayaashu xeradan waxay sheegayaan in Calaynta geedaha ay ku badin doonaan cuntada la siinaya daanyeerta.