Wasiir Isra'iil ah oo u cudur daartay Kerry

Wasiirka difaaca Isra'iil Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Yaalon (dhexda) ayaa laga soo xigtay isagoo cambaaraynaya xoghaya arrimaha dibedda Maraykanka

Wasiirka gaashaandhigga Isra'iil Moshe Yaalon ayaa raaligelin u jediyay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka kaddib hadallo laga soo xigtay oo uu ku cambaareeyay dowrka Maraykanka ee wadahadallada Bariga Dhexe.

Yaalon ayaa laga soo xigtay isagoo sheegayo in John Kerry uusan keenin wax cusub oo ku saabsan xiriirka Isra'iil iyo Falastiiniyiinta.

Waxaa uu ku eedeeyay Kerry inuu iska dhigayo nin wanaagsan oo doonaya inuu nabad ka dhaliyo Bariga Dhexe

Wargays ka soo baxo Isra'iil ayaa ka soo xigtay Yaalon oo sheegayo in qorshaha nabadda ee Kerry uusan dhaafsanayn warqadda lagu qoray.

Maraykanka ayaa ka carooday hadallada ka soo yeeray Yaalon.

Hadalka cudurdaarka ee ka soo baxay xafiiska Yaalon ayaa lagu sheegay in Maraykanka iyo Isra'iil ay labaduba dani ugu jirto in nabad laga helo Bariga Dhexe.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption John Kerry oo shir la leh Ra'iisalwasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu

Weriyaha BBC-da ee New York ayaa sheegtay in hadalka laga soo xigtay Yaalon uu astaan u noqon karo sida ay u fakarayaan mas'uuliyiinta Isra'iil, balse waxay haatan doonayaan inay ilaaliyaan xiriirka Maraykanka iyo Isra'iil.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan