Codadka oo la tirinayo aftida Masar

Masar

Dalka Masar waxaa ka billaabatay tirinta codadka kaddib markii la soo gabagabeeyay aftida loo qaadayay dastuurka cusub ee dalkaas.

Dastuurkii hore ee uu sameeyay Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi ayaa isbadallo lagu sameeyay.

Dowladda uu taageera militeriga dalka Masar ayaa doonaysa in dastuurkaasi loo codeeyo.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo loo aqoonsaday urur argagixiso, ayaa ku baaqay inaan laga qeyb qaadan codbixintan.

Aftidan ayaa la qabtay dhowr bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamad Mursi.

Destuurkan qabyada ah ee loo codeyay ayaa baddeli doonoo destuurkii la ansixiyay xilligii uu Mursi madaxweynaha ahaa.

Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Mursi lix bilood ka hor.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee si dimuqraadi ah loo soo doortay dalka Masar.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Maxamad Mursi

Destuurka waxaa qoray 50 xubnood oo aanay ku jirin Islaamiyiinta, halkaa kii la qoray xilligii Mursi ay iyagu u badnaayeen dadka qoray.

Dadka ka soo horjeeda destuurka cusub waxay sheegayaan inuu u danaynayo militeriga.

Waxaa ku qoran in dadka rayyidka ah la hor gayn karo maxkamadaha militeriga.

Waxaa kale oo ku qoran inay shardi tahay in militerigu oggolaado cidda qabanayso xilka wasiirka difaaca ee dalkaas sideedda sano ee soo socota.

Destuurkii hore waxaa ansixiyay boqolkiiba 64 dadka codeeyay, basle waxaa doorashada ka qeybqaatay boqlkiiba 32 daka xaqa u leh inay codeeyaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan