S Koonfureed: Bor waan qabanay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad aad u badan ayaa ka qaxay dagaalada Bor.

Ciidamada Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in ay dib uga qabsadeen magaalada Bor mucaaradka.

Afhayeenka ciidamada, Philip Aguer, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay jabiyeen in ka badan shan iyo toban dagaalyahaniin oo daacad u ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar.

Bor oo ah magaalo madaxda Jonglei ayaa dhowr mar ay kala qabsadeen labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Boqolaal kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalka. Wadahadal nabadeed ayaa ka socda dalka Itoobiya si xabad joojin loo sameeyo.