CAR oo dooranaysa madaxweyne KMG

CAR Lahaanshaha sawirka unknown

Baarlamaanka dalka Bartamaha Afrika ayaa dooranaya madaxweyne KMG iyadoo dilka ku dhisan diinta uu weli ka socda dalkaas.

Koox Masiixiyiin ah ayaa magaalada Bangui ee caasimadda dalkaas ku dilay, kuna gubay laba qof oo muslimiin ah, taasoo qeyb ka ah rabshadihii ugu dambeeyay.

Dablayda Kiristaanka ah ayaa BBC-da u sheegay inay billaabi doonaan dilka dadka Muslimiinta ah ee deegaankooda ku sugan.

Faransiiska iyo Midowga Afrika ciidamadooda ayaa wado howlgallo ay ku dejinayaan xiisadda diinta ku dhisan.

Mudanayaasha Baarlamaanka ee dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa maanta laga filaayaa inay doortaan madaxweyne KMG ah kaddib markii uu hoggiimiyihii hore Michel Djotodia uu is casilay.

Djotodia waa madaxweynihii ugu horrey oo Muslin oo ee hogaamiye ka noqday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Jabhadda Seleka ee uu hoggaaminayay Djotodia ayaa xukunka ka tuurtay madaxweynihii ka horeyay Francoise Bozize.

Arrintaas waxay u horseedday in dalkaas uu galo dagaallo sokeeye oo u dhxeeya Muslimiinta iyo Kiristaanka.

Djotidia ayaa is casilay 11-ka bishan January markii lagu eedeeyay inuu ku guuldaraystay inuu joojiyo colaadda.

Xittaa rabshadaha waxay u muuqdaan inay sii xumaadeen markuu iscasilay.