Iran oo lagu casuumay shirka Suuriya

Qaramada Midoobay Lahaanshaha sawirka AFP

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Iraan ku casuumay furitaanka shirka nabadda Suuriya.

Balse kooxda ugu weyn mucaaradka Suuriya ayaa sheegtay inay qaadici doonto shirka, haddii Ban Ki-moon uu ka noqon waayo casuumaadda Iran.

Maraykanka ayaa sheegay inay shardi tahay in Iran ay aqbasho qorshaha xasilinta Suuriya ee lagu heshiiyay sanadkii 2012-ka.

Wadahadallada hordhaca ayaa lagu qaban doonaa magaalada Montreux, iyadoo laba maalmood kaddib loo gudbin doono magaalada Geneva.

Dowladda Suuriya ayaa horey u sheegtay inay ka qeybgali doonto shirka.

Ilaa haatan 100,000 oo ruux ayaa ku dhimatay dalka Suuriya tan iyo markii uu billawday dagaalka sokeeye .

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qabowga daran ee Bariga Dhexe ayaa sii adkeeyay xaaladda qaxootiga Suuriya

Waxaa waddamada deriska u qaxay 2 milyan oo ruux, halka 6.5 milyan ay gudaha ku barakaceen.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda ee Iran uu ballanqaaday in dalkiisu cayaari doono dowr wax ku ool ah.

Iran ayaa sheegtay inay aqbashay casuumaadda xoghaya guud ee Qaramada Midoobay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan