Kumanaan "gaajo loo dilay" Suuriya

Asad Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda Bashar Al-Asad ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo

Qareeno caalami ah ayaa sheegay in ay arkeen caddeymo muujinaya in kumanaan jeelashada Suuriya ku jiray oo dawladdu xirtay la jir dilay.

Waxay sheegeen in dad gaaraya 11,000 oo ruux gaajo iyo haraad loo dilay.

Warbixinta ay qareennadan soo saareen waxaa dalabtay in laga shaqeeyo dawladda Qatar, oo iyadu taageerto mucaaradka Suuriya.

Wwarbixintan waxaa soo saaray 3 garyeqaan oo qaabilsan dambiyada dagaalka.

Waxay ku sheegeen in ilaa 11,000 oo maxbuus oo u xirnaa dawladda Suuriya gaajo loo dilay, qaar kale jir dil ba'an loo geystay oo ay u dhinteen tan iyo billawgii kacdoonka ka dhanka ah Madaxweyne Bashar Al-Asad.

Prof David Crane oo ka mid ah dadkii diraasadda ku sameeyay sawiradii laga qaaday dadka la sheegay in dawladda Suuriya ay u xirnaayeen ee lagu tacadiyey, ayaa sheegay inay tani caddeyn booxda u tahay in xadgudubyada ay ahaayeen kuwa qorshaysan.

Sawirradan ayaa la sheegay inuu soo qaaday nin ka soo goostay dowladda Suuriya oo ka shaqeyn jiray ciidammada ammaanka ee dalkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan