Shirweynaha KULMIYE oo dib loo dhigay

Silaanyo Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweynaha Somaliland Maxamad Maxamuud Siilaanyo (dhexda).

Shirweynihii xisbiga talada haya Somaliland ee KULMIYE ayaa dib loo dhigay markii afaraad tan iyo markii ay doorashada ku guulaysteen sanadkii 2010-ka.

Madaxweynaha Somaliland Maxamad Maxamuud Siilaanyo ayaa shirkan dib u dhigay ilaa iyo 22-da bisha saddexaad ee March 2014.

Qorshaha waxaa uu markii hore ahaa in shirkaasi la qabto 21-da January.

Shirweynihii ugu dambeeyay ee KULMIYE waxaa la qabtay sanadkii 2008-ta.

Waxaa muuqata in haatan uu soo baxay khilaaf ka dhexjira hogaanka sare ee xisbiga, taas oo sababtay in madaxweynuhu laftiisa uu soo gala arrinta.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayuu ku cadeeyay in ismar-waaga xisbiga dhexdiisa darteed uu dib u dhigay shirweynihii xisbiga ilaa iyo 22-da March 2014 .

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay gudi uu ku magacaabay "gudiga turxaan saarka xisbiga kulmiye" oo ka kooban sagaal xubnood.

Waxaa gudoomiye u ah wasiirka wasaaradda arimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis .

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa BBC u sheegay in "khilaaf iyo muran jiraayo meel siyaasadi taallo".

Image caption Taageerayaasha Kulmiye doorashadii 2010-ka

Balse wuxuu ku adkeysanayaa inay tahay cabasho ay wadaan koox uu hogaaminaayo madaxweyne kuxigeenka Somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga Cabdiraxmaan Saylici.

Wuxuu kaloo qiray gudoomiyuhu in wasiirro la safan yihiin madaxweyne kuxigeenka.

Gudoomiye Muuse biixi oo BBC weydiisay su'aal ah dowrka madaxweyne Siilaanyo ee hogaanka xisbiga mar hadii uu yahay un xubin gudiga fulinta, wuxuu ku jawaabay in madaxweynuhu yahay odeygii xisbiga Kulmiye ee uu ku soo baxay musharaxnimadiisii.

Xisbiga Kulmiye dhowr jeer ayuu dib u dhacay shirweynihiisu iyadoo khilaafku yahay tartanka hoggaanka xisbiga dhexdiisa iyo cidda musharraxa u noqonaysa doorashada madaxweynenimo ee sanadka 2015 .