Hadallo kulul oo la isku weydaarsaday shirka Suuriya

Suuriya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maxaabiis reer Suuriya ah

Waxaa Switzerland ka furmay shirka nabadda Suuriya iyadoo xoghaya guud ee Qaramada Midoobay sheegay in arrintaas ay kala qeybisay dadka reer Suuriya iyo dunidaba.

Dowladda iyo mucaaradka ayaa is weydaarsaday hadallo kulul.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Suuriya Waliid al-Mucallim ayaa waddamada qaar "ee shirka fadhiyo" ku eedeyay inay taageeraan argegixisada ay la dagaallamayso dowladdisa.

Hoggaamiyaha mucaaradka Axmad al-Jarba ayaa dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad ku eedeeyay inay gaysatay xasuuq.

Shirka ayaa ku soo beegmay iyadoo Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ay si "naxdin leh" uga jawaabay warbixin ku eedeynaysa dowladda Suuriya inay jir dil ay u dhinteen u gaysatay dad gaaraya 11,000 oo ruux.

Image caption Hadallo kulul ayaa la isku weydaarsaday shirka Suuriya

Maraykanka ayaa sheegay in warbixintan ay muujinaysa siday muhiim u tahay in xukunka laga tuuro dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Afhayeen u hadlay Suuriya ayaa sheegay in warbixinta aan lagu kalsoonaan karin iyadoo ay maalgelisay dowlada Qatar oo taagerta mucaaradka.

Warbixintan ayaa soo baxday hal maalin un ka hor shirka nabadda ee Suuriya ee ka dhacaya dalka Switzerland.

Shirkan ayaa loo arkaa inuu yahay dadaalkii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee wax looga qabanaya dagaalka Suuriya tan iyo markii uu billawday kacdoonka ka dhacay dalkaas.

Wadaxajoodka nabada ee Suuriya ayaa muddo dheer la sugayay.

Xukuumadda iyo mucaaradka Suuriya ayaa labaduba xubno matalaya u dirsaday wadaxaajoodka.

Waxaa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay si fool ka fool ah isugu hor fariistaan tan iyo markii ay billaabatay colaadda Suuriya saddex sano ka hor.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan