Odayaal "amar" kufsi ah bixiyay

Hindiya Lahaanshaha sawirka INDRAJIT ROY
Image caption Ragga kufsiga gaystay oo boliisku xireen

Dalka Hindiya waxaa la maxkamadaynayaa 12 rag ah oo fuliyay amar odayaal oo ahaa inay gabar kufsadaan.

Arrintan ayaa ka dhacday gobal ku yaalo dhinaca galbeed oo lagu magacaabo Bengal.

Raggan waxay ku dhaqmayeen amar ay bixiyeen odyaasha deegaanka oo ka soo horjeeday xiriir ay gabdhaas la wadaagtay nin ka soo jeeda qabiil kale.

Boliiska ayaa xabsiga u taxaabay 12-ka nin ee falka gaystay iyo ninka madaxa u ah golaha odayaasha deegaanka.

Haweeneyda la kufsaday oo 20 jir ah ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka isla markaana ay nafteedu halis ku jirto.

Dawladda Hindiya ayaa dhawaan xoojisay sharciyada lagula dagaallamo xadgubyada dhinaca galmada kaddib markii ay dhaceen dhowr kufsi oo warbaahinta dunida ay si weyn ugu hadashay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan