Shan askari oo lagu dilay dalka Masar

  • 23 Jannaayo 2014
Boliiska Masar Image copyright AP
Image caption Boliiska Masar ayaa lgu eedeeyay xadgudubyo

Dalka Masar waxaa lagu dilay shan askari weerar ka dhacay duleedka magaalada Qaahira.

Laba askari oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday bar kontrool oo boliisku ku leeyihiin magaalada Bani Suwayf.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay wateen mootoyin, oo ay ka baxsadeen goobta kaddib markii ay weerarka gaysteen.

Boliiska ayaa sheegay in goobta la baaraya iyadoo la raadinaya dadka weerarka gaystay.

Ugu yaraan 250 askari ayaa lagu dilay dalka Masar tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii ugu horrey oo si dimuquraadi loo soo doorto, Maxamad Mursi.

Weerarka ayaa dhacay iyadoo loo diyaargaroobaya xuska 25-ta January oo ah markii uu billawday kacdoonkii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Xusni Mubaarak.

Image copyright AFP
Image caption Dhowr maalmood ka hor ayaa loo codeeyay destuur cusub

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in ciidanka ay heegan u yihiin inay sugaan ammaanka xilliga la xusayo sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay kacdoonkii dalkaas ka dhacay.

Lix bilood ka hor ayay militeriga xukunka ka tuureen Mursi kaddib dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeda xukunkiisa.

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda ay militeriga taageeraan inay adeegsato awood xaddhaaf ah si ay dadka u caburiyaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan