Sharciga guurka kufsiga oo la baddelay

Mororcco Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibedbaxyo looga soo horjeeday sharci oggolaanayay in gabadhaha loo guuriyo ragga kufsaday

Baarlamaanka Mororcco ayaa isku raacay in la baddelo sharci oggolaanayay gabadhii la kufsada in loo guuriyo ninka kufsaday.

Tallabadan ayaa xigtay olole ballaaran oo ay sameeyeen dadka u ololeeya xuquuqda dumarka.

Sharcigan ayaa diiradda la saaray kaddib markii ay is dishay gabar 16 sano jir ahayd oo lagu qasbay inay guursato ninkii kufsaday.

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Amina Filali ayaa sunta jiirka cuntay, iyadoo ninka loo guuriyay, oo horey u kufsaday, ku eedeysay inuu ku xadgudbay.

Arrinta gabadhan ayaa sabab u noqday dibedbaxyo lagu qabtay magaalada Rabat ee caasimadda dalkaas oo looga soo horjeeday sharcigan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baarlamaanka Morocco ayaa isku raacay in la baddelo sharcigan

Sharcigan ayaa sheegayay inaan la xirayn ninka guursada gabadha uu kufsaday.

Ururrada u dooda xuquuqda haweenka ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin dheeri ah si wax looga qabto isu dheelitirnaan la'aanta u dhexaysa ragga iyo dumarka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan