Qarax ka dhacay dalka Masar

  • 24 Jannaayo 2014
Qarax Masar Image copyright n
Image caption Qarax ayaa ka dhacay xarunta boliiska Masar

Mas'uuliyiinta ammaanka ee Masar ayaa sheegay in qarax weyn uu ka dhacay meel dibedda ka ah xarunta boliiska ee magaalada Qaahira.

TV-ga dowladda ayaa sheegay in rasaas lais weydaarsaday kaddib markii uu qarxay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa jiro warar sheegaya in afar ruux ay dhinteen 51 kalena ay ku dhaacmeen, iyadoo qasaare uu soo gaaray dhismaha.

Shaqaalaha adeegga gurmadka ayaa la sheegayaa inay goobta yimaadeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq ballaaran oo cirka isku shareeray.

Ilaa haatan lama oga waxa sababay qaraxaas.

Dalka Masar waxaa ka dhacay dhacdooyin ammaan darro ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyihii ugu horrey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay ee dalkaas, Maxamad Mursi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan