Xabadjoojin laga gaaray South Sudan

South Sudan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada South Sudan ayaa mucaaradka ka qabsaday magaalooyinka Bor iyo Bentiu

Dowladda South Sudan iyo Mucaaradka ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kuwada saxiixday heshiis xabad joojin ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in heshiiska uu keenayo in la sii daayo siyaasiyiinta maxaabiista u ah madaxweyne Salva Kiir.

Mucaaradka ayaa shardi ka dhigay sii daynta maxaabiista si heshiis loo gaaro.

Waxaa sidoo kale qodobbada heshiiska ka mid ah in la kormeero oona la hubiyo in xabad joojinta ay dhaqangasho.

Kumannaan ruux ayaa ku dhintay dalka South Sudan tan iyo xilligii dagaalka uu bilwoday bartamihii bishii December ee sanadkii tagay.

Dagaalka ayaa u dhexeeya taageerayaasha madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir iyo ninka ay is hayaan ee Riek Mashar.

Image caption Madaxweyne Salva Kiir ayaa kuxigeenkiisii hore ku eedeeyay afgembi

Machar ayaa horey madaxweyne kuxigeen u ahaa ka hor intaan shaqada laga eryin bishii July sanadkii tegay.

Kiir ayaa ku edeeyay Machar inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay oo uu sheegay inuu dalkaas ka dhacay bartamihii bishii tegtay.

Machar ayaa beeniyay eedeyntaas, waxaana uu Kiir ku eedeeyay inuu doonaya in arrintaas uu u adeegsado inuu ku fogeeyo dadka ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedaa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan