"Xalka Suuriya" waa doorasho xor ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Iran waxa ay aaminsan tahay in doorasho xor ah oo kaliya lagu xalin karo khilaafka Suuriya

Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in xalka ugu wanaagsan ee arrinta Suuriya ay tahay doorashooyin xor ah.

Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in waddamada dibedda aanay go'aan u gaari garin dadka iyo dalka Suuriya.

Waxaa uu hadlayay maalin kaddib markii uu furmay shirka nabadda ee Suuriya.

Iran ayaan ka qeybgalin shirkaas kaddib markii Qaramada Midoobay kala noqotay casuumaad ay horey ugu soo dirtay.

Ergeyga caalamiga ah ee Arimaha Suuriya, Al-Akhdar Ibrahimi, ayaa maanta wadatashiyo gooni gooni ah la leh dhinacyada Suuriya.

Ibrahimi waxaa uu la hadli doonaan wafdiyada ka socdo dowladda iyo mucaaradka Suuriya oo maalintii shalay is weydaarsday hadallo kulul.

Wafdiga dowladda Suuriya waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda isla markaana ah Ra'iisalwasaare kuxigeen.

Fadhigii furitanka shrika ee maalin ka hor lagu qabtay magaalada Montreux waxaa ka soo baxay khilaafka u dhexeeya dowladda madaxweyne Bishar Al-Asad iyo kooxaha mucaaradka.

Ibrahimi ayaa qiray inuusan weli kala ogeyn in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay is hor fariistaan iyo in kale.

Safiirka Suuriya ee Qaramada midoobey Bashar Jacfari waxa uu sheegay in isu dheelitirnaan la'aan ay ka jirto goobta wadaxaajoodka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan