Labaatan ku dhimatay qarax J D Congo

Qarax ka dhacay xarun lagu kaydiyo hubka bartamaha Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo, ayaa la ogyahay inay ku dhinteen in ka badan labaatan qof.

Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee jooga Congo, ayaa sheegay in guryo badan ay ku bur bureen qaraxa ka dhacay xarun u dhow suuq Mbuji- Mayi.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in qaraxa oo dhacay jimcihii uu sababay biriq.