29 ku dhimatay Masar

Ciidamada ammaanka ee Masar ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan iyo sagaal qof oo banaanbaxayay lagu dilay Qaahira iyo magaalooyin kale, iyadoo ay dhacayaan banaanbax lagu xusayo sanad guuradii saddexaad ee lagu riday Xusni Mubaarak.

Magaalo madaxda Qaahira boliiska ayaa isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena, si ay u kala eryaan taageerayaasha Maxamed Morsi oo xilka milatariga ay ka qaadeen. Taageerayaasha dowlada ayaa sidoo kale u soo baxay sanad guurada.

Waxaa jira warar sheegaya in magaalada Suez qarax wayn uu ka dhacay dhismo boliis.