Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: Shaqo joojin gaadiidka dadwaynaha

Darawalada iyo milkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee u kala socda Muqdisho iyo gobolka Shabeelada Hoose ayaa shaqo joojin ku jira. Isku socodkii gaadiidka dadweynaha ayaa istaagay, waxyaabihii daruuriga ahaa ee Shabeelada Hoose iyo Muqdisho ka imaanayey ayaa joogsaday.

Darawaliinta ayaa ka cabanaya jid gooyayaal la sameeyay oo ka qaata lacago badan. Wariyaha BBC Moxamed Ibraahim Macalimu, ayaa uga hadlaya warbixintan shaqo joojinta.