Wadahadalka Suuriya

Labada dhinac ee iska soo horjeeda dalka Suuriya ee ku wada hadlaya magaalada Geneva ayaa ku kulmaya markii ugu horay meel.

Intaysan isku iman, labada dhinac ayaa sheegay inay isa soo hor fariisanayaan, laakiin ay la hadli doonaan dhexdhexaadiyaha Qaramada Midoobay, Lakhdar Brahimi, oo aysan si toos ah u wada hadleen.

Safiirka Suuriya ee Qaramada Midoobay, Bashar Jafari, ayaa BBC u sheegay in xooga la saari doono arrimaha gargaarka iyo sii daynta maxaabiista.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa sheegay inay rabaan meel wax laga sii wadi karo, inta aysan ka hadlin mustaqbalka madaxweyne Asad.