49 ku dhimatay Masar

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Taageerayaasha dowladda ayaa isugu yimid fagaaraha Taxriir Square.

Wasaarada caafimaadka ee Masar, ayaa sheegtay in ugu yaraan afartan iyo sagaal qof ay ku dhinteen shalay iska hor imaad dhexmaray mucaaradka iyo taageerayaasha dowladda milatarigu taageero.

Labada dhinac ayaa qabtay mudaaharaadyo lagu xusayo sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay kacdoonkii lagu riday Madaxweyne Mubarak. Ugu yaraan laba boqol iyo konton ayaa ku dhaawacantay.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay in in ka badan kun qof la xiray, iyagoo sheegay inay wateen hub kala nooc ah.