Wadahadalka Suuriya oo sii socda

Image caption Wadahadalka Suuriya ee Geneva waxaa dhexdhexaadinaya Qaramada Midoobay.

Wadahadalka nabada ee Suuriya ayaa ka sii socda Geneva maanta, iyadoo dowladda iyo mucaaradka la filayo in xooga ay saaraan sii daynta maxaabiista iyo dadka la afduubay.

Shalay ayay markii ugu horaysay wadahadal ay is hor fariisteen ay uga hadleen, sidii baabuurta gargaarka ay u tagi lahaayeen meelaha dagaalka ka socdo ee magaalada Homs.

Dhexdhexaadiyaha Qaramada Midoobay, Lakhdar Brahimi, ayaa ku tilmaamay inay ahayd bilow fiican, inkastoo aan la gaarin heshiis. Wuxuu sheegay waxyaabaha laga hadlayinay muhiim u yihiin sidii loo samayn dowlad ku meel gaar ah, sida lagu heshiiyay heshiiskii Geneva ee koowad