Shirka Suuriya oo looga hadlaya xukunka

Suuriya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Burburka Suuriya ka soo gaaray dagaalka

Wadahadallada nabadda Suuriya ayaa la filayaa in looga hadlo arrinta lagu kala qeybsan yahay ee ah sidii loo wareejin lahaa awoodda.

Mucaaradka ayaa codsanaya in xilka laga qaado madaxweyne Bashar Al-Asad iyadoo dowladdu sheegtay in arrintaas aanay suuragal ahayn.

Balse arimaha gargaarka ayaa weli ah qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla dhinacyada isku haya dalkaas.

Maalintii labaad ee wadahadallada, ayaa wafdiyada labada dhinac waxay isku raaceen in haweenka iyo carruurta laga soo saaro bartamaha magaalada Xums oo ay ku go'doonsan yihiin.

Dowladda ayaa codsatay in loo soo gudbiyo magacyada ragga doonayo inay magaalada ka soo baxaan.

Cubeyda Naxaas oo ka mid ah xubnaha mucaaradka Suuriya ku matalaya wadaxaajoodka ayaa soo dhawaysay tallaabadan.

"Waa hormar haddii la oggolaado inay dhacdo, maamulka horey uma ogoleyn arrintas," ayay tiri.

Image caption Ergayga Qaramada Midoobay ee Suuriya Al-Akhdar Ibrahimi ayaa dhexdhexaadinaya labada dhinac

Kuxigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Faysal Miqdad, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay oggoleenayso kolonyo gaadiid ah oo wadda gargaar inay galaan magaalada Xums.

Mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in dagaalyahannada ay ka shaqeynayaan fulinta xabadjoojinta si gargaarka uu u gaaro magaalada Xums.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ee internetka, ayaa muujinaya dadka shacabka ee degan magaaladan oo farriin u dirayo wafdiyada ka qeyb galaya shirka.

Dhexdhexaadiyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan nabadda Suuriya, Al-Akhdar Ibrahimi, ayaa maalintiii labaad ee fadhiga sheegaay, in ergada dowladda ay oggolaadeen in caruurta iyo haweenka ay ka soo bixi karaan goobaha la go'doomiyay ee magaalada Xums.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan