Militeriga Masar oo taageeray Al-Sisi

Sisi Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Taageerayaasha Taliyaha militeriga Masar oo dibedbaxyo dhigaya

Golaha militeri ee ugu sarreeya dalka Masar ayaa oggolaaday in Wasiirka Difaaca ee dalkaas Cabdilafaatx Al-Sisi uu isu soo sharraxo jagada madaxweynaha dalkaas.

Arrintan ayaa imaanayso iyadoo la filayo in madaxweynihii uu militeriga xilka ka tuuray ee Maxamad Mursi maxkamad la soo taago maanta, isagoo loo haysta dacwad ah inuu ka baxsaday xabsiga xilligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Xusni Mubarak.

Militeriga ayaa sheegay inuu oggolaaday "taageerada shacabka Masar" ay u muujiyeen Gen Al-Sisi.

Mas'uuliyiin dhanka ammaanka ayaa sheegay in Sisi uu is casili doono maalmo gudahood oo uu ku dhawaaqi doono inuu isa soo sharraxay.

Al-Sisi ayaa jagada ka qaaday madaxweynihii ugu horrey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay dalka Masar ee Maxamad Mursi.

Tobonaan kun oo ruux ayaa maalintii Sabtida isugu soo baxay fagaaraha Taxriir, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Gen Al-Sisi.

Balse ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay diebdbaxyo looga soo horjeeda dowladda ay taageeraan militeriga oo boliisku xoog ku kala direen.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taageerayaasha Mursi ayaa dhigo dibedbaxyo ay uga soo horjeedaan Al-Sisi

Warbixin ay soo saareen isbahaysiga taageersan Mursi, waxay sheegeen in dibedbaxyada ballaaran ee dalka ka dhacay ay muujinayaan in dadka ay doonayaan in "la dilo ninka dilaaga ah".

Al-Sisis waxaa magacaabay Mursi bishii August 2012-ka, balse isaga ayaa talada ka qaaday Mursi kaddib muddaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeday xukunkiisa.

Tan iyo xilligaas, dhowr kun oo ruux ayaa lagu dilay dibedbaxyo ay dhigayeen taageerayaasha Mursi, oo ay ku dalbanayeen in xukunka dib loogu soo celiyo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan