Ukraine oo la laalay sharciga dibedbaxyada

Ukraine Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Ukraine oo la kulmay hoggaamiyayaasha mucaaradka

Baarlamaanka Ukraine ayaa meesha ka saaray sharci xakamaynayay dibedbaxyada.

Madaxweynaha dalka Ukrain Viktor Yanukovych ayaa oggolaaday inuu daaqadda ka tuuro sharciga muranka dhaliyay ee ka dhanka ah dibedbaxyada.

Arrintan ayaa xigtay kaddib markii uu wadahadllo a yeeshay hoggaamiyayaasha mucaaradka.

Sharcigaan ayaa sababay usbuuc rabshado ah kaddib laba bilood oo ay socdeen muddaharaadyo dowladda ka dhan ah.

Baarlamaanka waxaa kale oo uu ka dooday dalab kale oo ay soo jeediyeen dibedbaxyaasha oo ah in cafis loo fidiya dadka mucaaradka ee xiran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu cafis u fidin doono mucaaradka haddi ay qaadaan jidgooyooyinka ay dhigeen waddooyinka oo ay joojiyaan weerarrada ay ku qaadayaan xarumaha dowladda.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mucaaradka Ukraine ayaa weli deggan fagaaro ku yaalla bartamaha Kiev

Madaxweynaha ayaa tanaasulkaas sameeyay kaddib markii uu wadahadallo la yeeshay saddex hoggaamiye oo ka tirsan mucaaradka.

Mucaaradka ayaa weli deggan faagaro ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaas ee Kiev, waxayna dalbanayaan in dalkaas uu xiriir dhaw oo dhaqaale la yeesho Midowga Yurub.

Dalka Ukraine ayaa haatan ku xiran Ruushka, oo dalkaas u ballanqaaday kaalmo dhaqaale oo ballaaran.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan