Lacagta Turkiga oo hoos u dhacaysa

  • 29 Jannaayo 2014
Image copyright AP
Image caption Sarifka lacagta Turkiga

Bangiga dhexe ee waddanka Turkiga ayaa kor u qaaday heerka dulsaarka lacagaha deynta ah, si uu u xoojiyo lacagta Lira ee uu hoos u dhac ku yimid.

Heerka dulsaarka ayaa la gaarsiiyey in ka badan 10% taasoo laba jibaar ka badan intii hore.

Turkiga ayaa ka mid ah waddamada uu dhaqaalahooda ku tallaabsaday kobaca ballaaran, balse la kulmay dhibaatada dhaqaale ee saameysay waddamada hormaray sida Maraykanka.

Raii'sul wasaaraha waddankaasi Rajab Tayyip Erdogan ayaa ka soo horjeeda tallaabadan uu bangigu ku dhaqaaqay, waxaana shirkadaha maalgashiga qaarkood ay hantidooda kala baxeen waddankaasi.

Dadka adaroosa arrimaha waddanka Turkiga ayaa sheegaya in kalsoonida maalgashiga ee Turkiga ay hoos u dhacday kaddib markii ay dhawaan soo shaac baxday fadeexad musuq maasuq ku salaysan.