Madaxweynaha Ukraine oo xanuunsanaya

  • 30 Jannaayo 2014
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Ukraine

Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Yanukovych uu la xanuunsan yahay caabuq neefmareenka kaga dhacay.

Dibad baxyaasha ayaa weli ku sugan qaar kamid ah dhismayaasha dowladda ee caasimada Kiev.

Baarlamaanka Ukraine ayaa ansixiyay sharci cafis loogu fidinayo dadka dibad baxyada loo xir xiray.

Balse axsaabta mucaaradka ayaa kasoo horjeeda sharcigan, oo dhigaya in dibad baxyaaasha ay jidgooyooyinka ka qaadaan bartamaha caasimada Kiev, ayna muddo 15 maalmood gudahood ah kaga baxaan dhismayaasha dowladda ee ay xoogga ku qabsadeen.

Dibad baxayaasha ayaa dalbanaya in Madaxweyne Viktor Yanukovych uu xukunka ka dego, isla markaana la qabto doorasho cusub.

Ra’iisul wasaaraha Ukraine iyo golihiisa wasiiradda ayaa iscasilay Tallaadadii lasoo dhaafay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan