Dowladda Masar oo maamulaysa khudbadaha Jimcaha

Egypt
Image caption Milateriga Masar waxay taageeraan xukuumadda

Masaajidyo badan oo ku yaal waddanka Masar waxaa Jimcihii laga akhriyay hal khudbad oo isku mid ah oo keliya taasoo qqayb ka ah maamullo cusub oo lagu soo rogay goobaha muslimiintu ku cibaadeystaan.

Mowduuca khudbaddii jimcahan waxaa uu ahaa muhiimadda ay leedahay dib u dhiska dhulka sida sharci darrada ah la isaga degay iyo caawinaadda dadka masaakiinta ah.

Saraakiisha Masaarida waxay la tahay in hagiddaasi ay lagama maarmaan u tahay si daaciyiinta looga joojiyo in ay jeediyaan hadallo xiisad siyaasadeed kicin kara.

Mucaaradku waxay sheegayaan in tallaabadan loola jeedo culimada aadka u naqdiya dowladda milaterigu taageero kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii islaamiga ahaa, Maxamed Morsi, sanadkii la soo dhaafay.