Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Diplomacy Somali ah oo lagu xiray Nairobi

Image caption Calanka qaranka Soomaaliyeed

Madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah diblomaasiyiintooda lagu xiray magaalada Nairobi.

Ciidammada ammaanka ee Kenya waxay wadaan hawl gallo ay kaga hortegayaan argagixisada.

Diblomaasiga la xiray oo la yiraa Ilyaas Yuusuf Warsame waxaa uu ka tirsan yahay safaaradda Soomaaliya ee caasimadda Nairobi.

Boliiska Kenya waxay kaloo boqollaal dad ah ka xirxirayeen xaafadda Eastleigh ee duleedka Nairobi, oo ay ku nool yihiin dad fara badan oo Soomaali ah.

Ammaanka Kenya waxaa la kordhiyay intii ka dambaysay weerarkii mintidiinta al Shabaab ay ku qaadeen xarunta dukaammada ee Westgate bishii September ee sanadkii tegay.