15 askari ayaa laga dilay ciidanka Yemen

Yemen attack Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerar lagu dilay askar dowladda Yemen

Kooxo mintidiin ah ayaa dalka Yemen ku dilay 15 ka mid ah askarta dowaldda mar ay weerar ku soo qaadeen bar milaterigu wax ku baaro oo ku taal gobolka koofurta dalkaas ee Xadramuud.

Saraakiil ka tirsan dowaldda Yemen waxay weerarka ku eedeeyeen kooxaha jihaad-doonka ah ee loo yaqaan al Qaacidada gacanka Carabta.

Ciidammada dowladdu waxay kordhiyeen hawl gallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah labadii sano ee la soo dhaafay iyagoo gacan ka helaya dayuuradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn.

Mintidiinta al Qaacida waxay qabsadeen qaybo badan oo gobolka ka tirsan kaddib kacdoon lagu khasbay madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalax inuu xukunka ka dego sanadkii 2011.