R/W hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Raii'salwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka. Waxaa lagu qiyaasayaa da'diisa sagaashan.

Wuxuu xukunka qabsaday 1964-tii doorashookinkii guud ee 1964-tii oo lagu doortay Madaxweyne Adan Cabdulle, isagoo noqday Ra'iisalwasaarihii saddexaad ee Soomaaliya.

Wuxuu xukunka kala wareegay Cabdirishiid Cali Sharmaarke, oo Ra'iisalwasaare ahaa markii xornimada la qaatay 1960-kii. Cabdirisaaq Xaaji Wuxuu xukunka haayay laba sanno iyo bar ilaa1967dii.

Wuxuu isku dayay inuu la dagaalamo musumaasuqa iyo inuu wax ka badalo sida dowladda ay u shaqayso.

Intuusan Ra'iisalwasaare noqon wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta markii xornimada la qaatay 1960kii. Wuxuu kaloo ka ahaa xisbiga SYL ee dalka xukumay gudoomiye. xiligaas waddanka waxaa ka jiray xisbiyo.

Halka ka dhagayso waraysiyo hore