Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo mamnuucday Universal TV

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Universal TV waxa xaruntiisa weyn ay ku taal London

Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in telifishanka af soomaaliga ku hadla ee Universal TV laga joojiyay inuu ka hawlgalo deegaanda Somaliland .

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in Universal TV uu ka fidiyay dacaayad rakhiis Madaxweynaha Somaliland barnaamij uu todobaadkan sii daayay.

Maxamed caabi digaale agaasimaha universal tv ee somaliland ayaa BBC u sheegay in xukuumada somaliland ka cadhootay barnaamij lagu magacaabo Faaliyaha Qaranka oo ah barnaamij majaajilo siyaasadeed oo inta badan lagu soo qaato siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliyeed.

Wuxuu Caabi sheegay inuu u arko shaqada laga joojiyay Universal tv go'aan lagu degdegay , xorriyadda saxaafadana meel kaga dhacaya .