Janet Yellen oo la wareegtay bangiga dhexe ee Maraykanka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waa qofki ugu horeeyay oo dumar ah oo hogaamisa bangiga dhexe ee Maraykanka.

Janet Yellen ayaa la wareegtay gudoomiyenimada bangiga dhexe ee Maraykanka. Waa qofkii ugu horeeyay oo dumar ah oo madax ka noqata bangiga dhexe ee Maraykanka.

Waxay xilka kala wareegtay Ben Bernanke, kadib saddex sanno oo ay ku xigeen u ahayd.

Saddexdii sanno ee ugu danbaysay ee uu xilka hayay Bernanke dhibaatooyinka dhaqaalaha ayaa socday, wuxuuna wax uga qabtay si wayn oo aan horay loo arag.

Iyadoo dhaqaalaha Maraykanka uu soo kordhayo, Mrs Yellen, muhiimadeeda waxay noqon kartaa hubinta sidii loo heli lahaa siyaasado caadi ah oo aan waxba u dhimin suuqyada lacagaha ee adduunka.