Rabshado ka dhacay Mombasa

  • 2 Febraayo 2014

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, rabshado ayaa ka dhacay magaalada Mombasa kadib markii boliiska ay galeen masaajid ay la xiriiriyeen dad mayal adag.

Boliiska ayaa u isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena dadka banaanbaxaya, iyagoo xiray ilaa boqol qof.

Laba wadaad oo ka wacdiya masaajidka Mussa ayaa bilihii ugu danbeeyay ay dileen niman hubaysan.

Boliiska Kenya ayaa la xiriiriyay masaajidka inay dagaalyahano u qoraan kooxda Alshabaab, oo weerartay xarun dukaamo ee magaalada Nairobi.