Wadahadalada Talibaan iyo Pakistan

Wakiilada dawladda Pakistan ayaa sheegay in dib loo dhigay wada hadalada la soo jeediyey in ay la yeeshaan ergo ay taalibaan soo dirtay.

Wakiiil u ahdlay dawladda Pakistan ayaa sheegay in ay caddeymo kale ka doonayaan inta ay ka kooban yihiin kooxda iyo awooda ay wada xaajood ku gali karaan inta ay le'eg tahay.

Ra'iisil wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif wuxuu sheegay in uu doonayo in si nabad ah loo soo af jaro collaada tobanka sano socota,wuxuuse muujiyey haddii wadahadaladu guuldareystaan in tallaabo militari oo adag la qaadi doono.

Laakinse xubin ka tirsan ergada ay Taleban magacawdeen Mawlana Cabdiasiis ayaa sheegay in dawladdu aysan daacad ka aheyn in ay wadahadlo dhab ah ay dhacaan.

Kooxdan waxa ay dagaalo iskacaabin ah ka wadeen gudaha Pakistan tan iyo sanadii 2007-da.