Weerarro ka dhacay magaalada Baqdaad

Image caption Weerarrada ayaa ka dhacay aagga sida weyn loo ilaaliyo ee caasimadda

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay markii bambooyin is xig xiga ay ka qarxeen bartamaha caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad. Weerarkan ayaa dhacay subixii hore iyadoo xilligaasi dadku ay u socdeen shaqooyinka.

Wuxuuna ka dhacay meel u dhaw goobta sida aadka ah loo ilaaliyo ee loo yaqaan Green Zone oo ay ku yaalan inta badan xafiisyada dawladda iyo safaaradaha Reer Galbeedka.

Laba baabuur, ayaa lagu qarxiyay banaanka hore ee dhismaha wasaarada arimaha dibada. Qarax kale ayaa ka dhacay meel maqaayad ah.

Waddanka Ciraaq waxaa baryahanba ka jiray mowjado weerarro ku saleysan qolo-qolo.